Guddoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Oo Kulan La Qaatay Waaxda Dhulalka

0

WAAJID, Soomaaliya — Guddoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, Maxamed Macalin Yuusuf, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay howlwadeenada Waaxda Dhulalka ee Degmada Waajid, kaas oo lagu falanqeeyay dardar-gelinta maamulka dhulka, qorsheynta magaalada iyo xoojinta nidaamka diiwaangelinta dhulalka.

 

Kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo adeeg hufan oo si toos ah ugu adeega shacabka, iyadoo la qorsheynayo in nidaamka maamulka dhulka lagu saleeyo cadaalad, daahfurnaan iyo isla-xisaabtan.

Guddoomiyaha degmada, Mudane Maxamed Macalin Yuusuf, ayaa ku ammaanay shaqaalaha Waaxda Dhulalka dadaalka iyo juhdiga ay muujiyeen, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-jibbaaraan shaqada si loo hormariyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

“Maamulka dhulka waa laf-dhabarta horumarka magaalada, waxaana dooneynaa in adeeggani noqdo mid casri ah, hufan oo si caddaalad ah u maamula hantida shacabka,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Waajid, oo muddo ay dhibaato ku haysay kooxaha khawaarijta ah, ayaa sanadihii dambe ku tallaabsatay horumar muuqda, taasoo ay horseedeen isku-tashi bulshada deegaanka iyo wada-shaqeynta maamulka iyo shacabka.

Sidoo kale, degmada ayaa ka mid ah meelaha si wanaagsan uga socda diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, taas oo muujinaysa horumar iyo kalsooni ay bulshada Waajid ku qabto nidaamka dowladnimada.

Kulanka maanta ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee maamulka degmada Waajid uu ku xoojinayo hay’adaha dawladda hoose iyo kor u qaadista hannaanka maamulka magaalooyinka ee Gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here