Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo booqday Ceelasha Biyaha iyo Lafoole

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Kormeer ku tagay Duleedka Degmada Garasbaaley, Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Lafoole, halkaasi oo ay Ciidamada Amniga maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen Howlgallo lagu xaqiijinaayo Amniga.

 

Duqa Muqdisho ayaa saraakiisha Laamaha Amniga ku amaanay naf-hurnimada iyo dadaalka ay ugu jiraan bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, asigoona xusay in howlgalka lagu xaqiijinaayo Amniga ee laga wado duleedka Muqdisho uu wax weyn ka tarayo ka hortagida in Kooxaha Khawaarijta ay ku dhex dhuuntaan Bulshada dhexdeeda iyo in ay kusoo dhuumaaleystaan Magaalada Muqdisho.

Kormeerka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Taliye Kuxigeenka Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir iyo Ciidamada Police Millitary Gudoomiyaha Degmadda Garasbaley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here