Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqday ciidamada ku sugan xerada Qorilow ee Shabeellaha Dhexe

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, oo uu wehliyay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud Xaadoole iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa booqday cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka iyo kuwa difaaca deegaannada (Macawisleyda) ee ku sugan xerada Qorilow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Booqashada Guddoomiyaha ayaa la xiriirtay u kuur-gelidda xaaladda ay ku shaqeeyaan ciidamada iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa askarta ku jirta furimaha dagaalka. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka gobolka Banaadir ee lagu taageerayo ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee la dagaallamaya kooxaha Khawaarijta.

Guddoomiye Muungaab ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay sii wadaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, isagoo xusay in ciidamada qaranka iyo Macawisleydu ay laf-dhabar u yihiin difaaca amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Sidoo kale, wuxuu ku ammaanay ciidamada geesinimada ay muujiyeen, isagoo sheegay in ay naftooda u huraan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantidooda.

Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyay in maamulka gobolka Banaadir uu sii xoojin doono taageerada iyo garab istaagga ciidamada ku sugan furimaha dagaalka si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here