MUQDISHO — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Muslimiinta caalamka munaasabadda bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ramadaantu tahay bil cibaado, iscafis, naxariis iyo is-garabsasho, isaga oo ugu baaqay bulshada in ay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo ka shaqeynta danta guud.
Wuxuu si gaar ah ugu boorriyay dadka ku nool Muqdisho inay ka shaqeeyaan nadaafadda, amniga iyo is-caawinta dadka nugul, si gaar ah qoysaska danyarta ah ee u baahan garab istaag inta lagu jiro bisha barakeysan.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo in Alle ka aqbalo soonka iyo cibaadada bisha Ramadaan.
DAAAWO




