Muqdisho, Soomaaliya — Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay olole ballaaran oo nadaafadeed oo laga fuliyay Xeebta Liido, kaas oo ay ka qayb galeen Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, iyo dhallinyaro si mutadawacnimo ah uga shaqeeya nadaafadda caasimadda.
Dr. Muungaab ayaa carrabka ku adkeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka go’an yahay sii xoojinta ololayaasha nadaafadda, ilaalinta deegaanka, iyo qurxinta magaalada, si Muqdisho u noqoto caasimad ku dayasho mudan.
Danjiraha Dowladda Turkiga, Mudane Alper Aktaş, ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta caasimadda Muqdisho. Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday qorshe lagu mataanaynayo magaalada Konya ee Turkiga iyo Muqdisho, si labada magaalo ay u yeeshaan iskaashi dhinacyada horumarinta magaalooyinka, dhaqanka, iyo is-weydaarsiga khibradaha maamulka.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga garab-istaagga joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in mataanaynta Muqdisho iyo Konya ay fure u noqon doonto iskaashi cusub iyo barnaamijyo horumarineed oo caasimaddu ka faa’iidaysan doonto.
Ololeyaashan nadaafadeed ayaa qeyb ka ah dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir uu ku xoojinayo nadaafadda, qurxinta magaalada, iyo kor u qaadista wacyiga bulshada ee ilaalinta deegaanka.







