Muqdisho – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ka qaybgalay Shir-weynaha 5-aad ee ay qabatay Xarunta Daraasaadka Al-Maqaasid, kaas oo diiradda lagu saaray falanqaynta iyo qiimeynta nidaamka federaaleynta Soomaaliya.
Shir-weynahan oo cinwaankiisu ahaa “Federaaleynta Soomaaliya: Siyaasad Murugsan mise Tubta Wada-Lahaanshaha Buuxa?” ayaa lagu soo bandhigay doodo cilmiyeed, warbixinno, aragti-wadaag aqooneed iyo khudbado la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, xiriirka ka dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladnimada, iyo caqabadaha hortaagan hirgelinta federaal wax-ku-ool ah.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in arrimaha masiiriga ah ee dalka lagu wajaho cilmi, wadatashi iyo is-faham qaran.
Shir-weynaha waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, culimo, aqoonyahanno, marti caalami ah iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, taas oo sare u qaadday miisaanka aqooneed iyo saameynta doodaha lagu falanqeeyay shirka.
Ugu dambeyn, Shir-weynaha 5-aad ee Xarunta Daraasaadka Al-Maqaasid ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo warbixinno cilmiyeed oo wax ku biirin doona fahamka nidaamka federaalka Soomaaliya, iyo sidii loo waafajin lahaa duruufaha siyaasadeed, bulsho iyo amni ee ka jira dalka.





