Muqdisho — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa shacabka ugu rajeeyay Ciid farxad leh oo ku dheehan nabad, barwaaqo iyo is-jaceyl, isagoo Alle uga baryay in laga aqbalo cibaadooyinkii bishii barakaysnayd ee Ramadan.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa ku booriyay shacabka inay sii xoojiyaan wadajirka, is-kaashiga iyo ilaalinta nabadda caasimadda, si loo gaaro horumar waara.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan bilicda iyo horumarka magaalada Muqdisho, isagoo mar kale u rajeeyay Ciid mubaarak ah.




