Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo kulan la yeeshay Rohan Titus

0

MUQDISHO (SMN)  – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midoobay Mudane Raisedon Zenega iyo Madaxa arrimaha siyaasadda ee UNSOM mudane Rohan Titus.

 

Guddoomiyaha iyo Ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midoobay waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee Dalka, howlaha ballaaran ee horyaalla Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, dib ueegista Dastuurka KMG ah, shuruucda Doorashada Dalka iyo kaalinta Qaramada midoobay ay uga garab siin karto howlaha ballaaran ee horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyuhe Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Aqalka Sare BJFS uu u taagan yahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, inuu qaato kaalintiisa Dastuuriga ah ee isku xirka labada heer dowladeed iyo xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya laguna dhammeeyo khilaaf kasta wada hadal, heshiis iyo afgarad, isla markaana QM ay garab ku siiso Aqalka Sare gudashada waajibaadkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here