Xuddur, Bakool — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Xuddur, xarunta gobolka Bakool, isagoo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka.
Wafdiga Guddoomiyaha ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Xuddur, halkaas oo uu ku sugnaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada Koonfur Galbeed, xildhibaano, odayaal dhaqameed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Booqashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, iyadoo xoogga la saarayo iskaashi dhanka amniga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo taageerada dowlad-dhiska heer gobol.
Inta lagu guda jiro booqashada, Sheekh Aadan Madoobe ayaa la filayaa inuu kulammo la qaato maamulka gobolka Bakool, maamulka degmada Xuddur, odayaasha dhaqanka, iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida, si looga wada hadlo xoojinta ammaanka, taageerada la dagaallanka Khawaarijta, iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Waa booqasho muhiim ah oo ku soo beegmaysa xilli gobolka Bakool uu weli wajaho caqabado la xiriira amniga iyo adeegyada aas-aasiga ah, iyadoo dowladda dhexe ay ku hawlan tahay in ay sare u qaaddo taageerada la siiyo gobollada dalka.




