Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray dalka Mareykanka + Sawirro

0

WASHINGTON (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu Hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Washington ee Caasimadda dalka Mareykanka.

 

Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dulles ee magalada Washington ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Diblomaasiyiinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Mareykanka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay Mareykanka waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda ugu sareeysa ee Aqalka Golaha Wakiilada dalka Mareykanka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadli doonaan arrimaha horumarinta Baarlamanka Soomaaliya, iyo iskaashiga labada Baarlamaan ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dagaalka Al-Shabaab iyo dhanka dhaqaalaha intaba.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here