Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku wajahan magaalada Baydhabo + Ujeedka

0

BAYDHABO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay booqasho ku tegaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

Sheekh Aadan Madoobe ayaa la kulmi doono madaxweynaha Koonfur Galbeed, si uu ugala hadlo xiisadaha taagan ee ka dhalatay taageeradii ciidanka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu si gaar ah Laftagareen u gala hadli doono xiisadda haatan kala dhexeysa Villa Soomaaliya, si xal looga gaaro.

Koonfur Galbeed ayaa taageero u muujiyay Itoobiya oo ay xilligan is hayaan Soomaaliya, kadib heshiiskii uu Abiy Axmed la galay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here