MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay xilka guddoomiyanimo isaga oo kula dardaarmay inuu xooga saaro sidii shacabka caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada ay xaqa u leeyihiin oo ay dowladda uga baahanyihiin.
Kulanka oo uu ka qeyb galay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri, waxa uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay Qaabilada iyo Hambalyada.
DHAMMAAD.