Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

0

MUQDISHO – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Baarlamaanka iyo Midowga Yurub.

 

Safiir Di Mauro ayaa Guddoomiyaha uga warbixisay mashaariicda iyo howlaha socda ee Midowga Yurub ka fulinayo Soomaaliya, iyadoo ammaan u jeedisay Golaha Shacabka dadaalka uu ku bixiyay meelmarinta sharciyada aasaasiga u ah dhismaha dowladnimada dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta iskaashiga u dhexeeya Golaha Shacabka iyo Wakiillada Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta sharci dejinta, dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka, iyo kordhinta taageerada Midowga Yurub ee dib-u-habeynta maamul-dowladeed ee Soomaaliya.

Guddoomiye Madoobe ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageeradiisa joogtada ah, isagoo xusay in Baarlamaanku ka go’an tahay dhammeystirka geeddi-socodka dastuurka iyo soo celinta xuquuqda buuxda ee shacabka Soomaaliyeed ay ku doortaan hoggaankooda qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here