MUQDISHO, 28 Oktoobar 2025 — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada ah, kaas oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadaha Baarlamaanka ee Villa Hargeysa.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, oo kulanka furay, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah la wadaagay warbixin kooban oo ku saabsan howlaha baaxadda leh ee horyaalla Golaha Shacabka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in goluhu xoogga saaro kalfadhiga toddobaad iyo dardargelinta shuruucda muhiimka ah ee Golaha horyaalla.
Guddoomiyaha ayaa ku boorriyay xildhibaannada inay dardar geliyaan shaqooyinka baarlamaaniga ah ee la xiriira dib-u-eegista sharciyada, xoojinta isla xisaabtanka, iyo taageeridda barnaamijyada dowladda ee horumarinta dalka.
Ugu dambeyntii, Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa dhaariyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyow Ibrow, kaas oo dhowaan loo magacaabay xilkaas.
Guddoomiyaha iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ugu hambalyeeyay wasiirka cusub xilka loo igmaday, iyagoo uga rajeynay inuu si hufan uga shaqeeyo horumarinta shaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dalka.




