MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo uu ku gaaray dalka Mareykanka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa inta ay ku sugnaayeen Magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxay kulamo kala duwan la qaadeen mas’uuliyiinta Golaha Wakiilada Mareykanka.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay sidii bog cusub iyo wada shaqeyn ay u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Mareykanka.
Mareykanka ayaa kamid ah dalalka taaageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb qaataa dagaalka adag ee haatan lagula jiro Al-Shabaab ee ka socdo dalka.