Baydhabo – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa maanta si rasmi ah ugu yimid magaalada Baydhabo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Wafdiga uu hogaaminayay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, oo ka koobnaa wasiiro iyo xildhibaano heer Federaal ah, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo. Waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Dr. Cali Siciid Fiqi, xubno ka tirsan golaha wakiilada, wasiiro dowladeed, odayaal dhaqameed iyo qeybaha bulshada rayidka ah.
Ka dib markii uu wafdigu gaaray xarunta Madaxtooyada ee Baydhabo, waxaa lagu qabtay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen labada Guddoomiye. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Dr. Cali Siciid Fiqi ayaa si rasmi ah usoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa, isaga oo sheegay in booqashadan ay tahay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.
Dhankiisa, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa u mahadceliyay maamulka Koonfur Galbeed iyo shacabka reer Baydhabo sida diirran ee loo soo dhaweeyay, isaga oo xusay in uu kulamo muhiim ah la yeelan doono madaxda maamulka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada muddada uu joogo magaalada Baydhabo.
Booqashadan ayaa lagu wadaa in ay horseeddo wadashaqeyn dhow oo dhexmarta dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta dowladnimada, amniga, iyo horumarinta adeegyada bulshada.









