Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka oo Guddoomiyay Kulan Degdeg ah oo Looga Hadlay Abaarta Dalka

0

Muqdisho — Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa maanta guddoomiyay kulan degdeg ah oo Guddiga Gurmadka Qaranka ah, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda abaarta daran ee ka jirta qeybo badan oo dalka ah.

 

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gani, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Aamiin Sheekh, mas’uuliyiin heer federaal ah, madax kale oo dowladeed, culimo iyo ganacsato, kuwaas oo dhammaantood muujiyay diyaar garowgooda ku aaddan ka qeyb qaadashada gurmadka iyo taageerada dadka ay saameysay abaartu.

Intii uu socday kulanka, waxaa la soo bandhigay warbixinadii ugu dambeeyay ee xaaladda abaarta, kuwaas oo muujinaya in abaartu gaartay heer aad u liita, isla markaana ay saameyn ba’an ku yeelatay nolol-maalmeedka bulshada, nolosha dadka iyo xoolaha, gaar ahaan deegaannada miyiga ah.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeybgalay ayaa adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo dardargelinta gurmadka qaranka, xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowladda, culimada iyo ganacsatada, si si wadajir ah oo degdeg ah wax looga qabto saameynta abaarta loona badbaadiyo bulshada nugul.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in la gaaray marxalad halis ah oo nolosha dadka iyo xoolaha ay khatar ku jirto, isaga oo ugu baaqay dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan gurmadka degdegga ah, gaar ahaan ururinta taageero dhaqaale iyo gargaar naf-badbaadin ah.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa ku celiyay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in mudnaan gaar ah la siiyo gurmadka abaarta, isaga oo xusay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada qaran iyo kuwa caalami ah ee lagu yareynayo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah.

May be an image of one or more people, people studying, table and textMay be an image of one or more people, dais and newsroom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here