Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Gaaray Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

0

JALALAQSI, Soomaaliya [SMN] – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo, oo uu qeyb ka yahay agaasimaha waaxda caafimaadka hay’adda, Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed, dhaqaatiir ka tirsan SoDMA iyo Isbitaalka Madiina, ayaa maanta gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

 

Safarka Guddoomiyaha ayaa diiradda saaraya xoojinta dadaallada gargaarka banii’aadannimo ee dalka, iyadoo uu u kuur galayo xaaladaha nololeed ee degmada iyo deegaannada ku xeeran. Ujeeddada safarkan ayaa sidoo kale ah in la hubiyo baahiyaha aasaasiga ah ee dadka deegaanka, iyadoo gargaar loogu tala galay dadka nugul oo ka kooban daawo iyo cunno lagu wareejiyay hoggaanka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle iyo maamulka degmada.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jalalaqsi, waxaana soo dhaweeyay Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Golaha Shacabka, agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle, Cabdifataax Maxamed Yuusuf, Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere), iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa kulamo gaar ah la yeeshay masuuliyiinta maamulka degmada, si loo qiimeeyo xaaladda guud ee dadka iyo baahiyaha gargaarka ee hadda jira, waxaana la qorsheeyay in dadaallo dheeri ah la sameeyo si loo xoojiyo taageerada loogu fidinayo dadka ay saameeyeen musiibooyinka iyo xaaladaha adag ee ka taagan gobolka.

May be an image of 8 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people, helicopter and textMay be an image of 8 people and helicopter

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here