DHUUSAMAREEB (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta gaaray magaalada Dhusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.
Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah Wasiirrada Wasaaradaha Gargaarka ee maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa garoonka diyaaradaha Dhusamareeb ku soo dhaweeyey Wasiirka Gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawi, Wasiirro kale oo State ah, maamulka Gobolka Galgaduud Iyo Masuuliyiin kale.
Socdaalka waftigaan uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin ayaa ku soo aadaya xilli magalaada Dhusamareeb uu maalinta berri ah ka furmayo shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada oo sanadkiiba saddex jeer la qabto kaas oo sanadkaan lagu qabanayo Galmudug.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-