Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo guddoomiyay shir muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN)

Guddoomiye Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Mahamuud Moallim Abdulle ayaa maanta guddoomiyey shirka joogtada ah ee hay’adda SoDMA, kaas oo diiradda lagu saaray warbixinta wajiga labaad ee qiimaynta iyo dib u habaynta shaqaalaha hay’adda iyo qabsoomida shirka madasha arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya – Humanitarian Coordination Forum iyada oo la meelmariyay xiliga iyo goobta oo ka dhacayo.

Kulanka waxaa laga warbixiyay Ansixinta iyo fulinta geedi socodka hindisaha sidii bulshada looga haqabtiri lahaa digniinaha halis-wadareedka (EW4ALL) kana koobnaa afar tiir oo muhiim ah kaas oo dhacay magaalada Nairobi iyo siday ay hay’adda SoDMA u hogaamisay doorka kaga aadan.

Sidoo kale, kulanka inta uu socday waxaa si gaar ah la isaga wareystay waxqabadka howlaha hay’adda ee kala duwan iyo wax u qabsoomay toddobaadkii la soo dhaafay.

Shirka waxaa ka soo qeyb-galay madaxda kala duwan ee hay’adda, sida; guddoomiye ku xigeenka Hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha iyo la-taliyayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here