Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la yeeshay safiirka Qatar + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta la kulmay Safiirka Dalka Qatar Soomaaliya u jooga H.E dr. Abdalla Bin saalim Al- nucaymi.

 

Guddoomiyaha SoDMA, ayaa kala hadlay safiirka sidii dowladda Qatar ay gacan wayn uga gaysan lahayd ka hortagga Duufaanta El-niinada oo laga cabsi qabo inay wax yeeleyso dalka iyo sidii loo xoojin lahaa mashaariicda stabilzationka ee laga sameynaayo degaannada xoreynta ka socoto.

Safiirka ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Qatar, garab istaagga shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna ballan-qaaday in uu si dhaw ula shaqayn doono Ha’adda SoDMA.

Guddoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin ayaa uga mahadcelshay safiirka iyo dowladda Qatar sida ay uga go’an tahay taageerada howlaha hay’adda, isagoo adkeeyay sida Soomaaliya ugu baahan tahay maalgalinta mashaariicda ka hortagga iyo soo kabashada si ay hoos ugu dhacdo saameynta taban ee Is-beddelka cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here