MUQDISHO (SMN) – Maxamuud Macallin Cabdulle, Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka, ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergeyga QM ee Soomaaliya, George Conway.
Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda abaaraha, qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’aadannimo ee 2025, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha.
Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la qabto shir guud oo loogu talagalay sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa dadka nugul ee u baahan caawimaadda.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin ayaa ka qeyb-galayaasha ku boorriyay xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada dadaallada gargaarka.