Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo u ambabaxay degmada Xudur + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Goordhaw u ambabaxay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

 

Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo masuuliyiin ka socda hay’addaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Ujeedka wafdigaan ayaa daaran u kuurgalida xaalada bini’aadannimo ee ka jirta gobolka, booqashada xirooyinka barakacyaasha, iyagoo halkaas gargaar ugu qeybin doona qoysaska barakacyaasha ah iyo kuwa dantayar ee ku nool duleedka magaalada Xudur, kuwaas oo wajahayay maalmihii danbe xaalad adag oo dhanka nolasha ah.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here