Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo Kulan Miro Dhal ah Ku Yeeshay Muqdisho

0

Muqdisho, 17 Sebtembar 2025 – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan miro dhal ah magaalada Muqdisho kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha ee Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan mashaariicda ay dowladda Shiinaha kala shaqaynayso SoDMA.

Waxaa laga wada hadlay horumarka laga gaaray dayactirka bakhaarka dhexe ee SoDMA oo muhiim u ah sare u qaadista diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah loo lafa-guray qorshaha dhismaha Xarunta Hawlgallada Degdegga ah ee magaalada Laascaanood, taasoo noqon doonta xarun muhiim ah oo lagu isku-duwo howlgallada maareynta musiibooyinka ee dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kawada hadlay adkaynta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyagoo tilmaamay muhiimadda uu Shiinuhu ku leeyahay dhisidda adkaysiga, iyo xoojinta awoodda dowladda Soomaaliya si loola tacaalo xaaladaha degdegga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here