Islamabad, Bakistaan — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan (NDMA), halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Guddoomiyaha NDMA, Mudane Inam Haider Malik, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan hoggaanka sare ee hay’adda.
Intii lagu guda jiray booqashada, Guddoomiyaha SoDMA ayaa kulan wax-ku-ool ah la yeeshay Guddoomiyaha NDMA, isagoo sidoo kale kormeer ku sameeyay waaxyaha kala duwan ee NDMA iyo nidaamyada casriga ah ee dalka Bakistaan u adeegsado maareynta masiibooyinka.
Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd is-weydaarsiga khibradaha, wadaagidda aqoonta, iyo xoojinta awoodaha hay’adaha, iyadoo la tixgelinayo waayo-aragnimada ballaaran ee NDMA Pakistan iyo dadaallada ay SoDMA ku bixinayso dhismaha nidaam qaran oo hufan oo lagu maareeyo masiibooyinka ka dhaca dalka.
Guddoomiyeyaasha SoDMA iyo NDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Mudane Inam Haider Malik, ayaa si buuxda isugu afgartay xoojinta iskaashi farsamo oo joogto ah, kaas oo ku saleysan wada-shaqeyn, is-dhaafsi aqoon, iyo dhisidda nidaamyo maareyn masiibo oo adkaysi, waxtar, iyo heer caalami ah u leh bulshooyinka labada dal.





