Guddoomiyaha SoDMA oo booqday dadkii ku dhaawacmay qarixii maqaayadda Top Coffee

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Mahamuud Moallim Abdulle oo ay wehliyaan qaar ka mid ah howl-wadeennada Xarunta Qaran ee Howl-gallada Gurmadka degdegga ee Hay’adda SoDMA ayaa kormeer ku tagay isbitaallada Madiina iyo Digfeer halkaas oo lagula tacaalayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ee lala beegsaday maqaaxida Top Coffee.

 

Guddoomiyaha oo u kuurgalay xaaladda caafimaad ee bukaannada ayaa ballan-qaaday in dadka u baahan adeeg caafimaad oo dibadda ah dalkana waxba looga qaban karin ay garab is taagayso Dowladd Soomaaliya, isagoo bukaannada Alle uga baryay inuu caafimaad deg deg siiyo.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa tagay goobtii qaraxu ka dhacay ee lagu beegsaday dadka rayidka ah, wuxuuna ganacsatada goobta la beegsaday lahayd uga tacsiyeeyay qasaaraha hantiyeed ee soo gaaray, wuxuuna Alle u weydiiyay cawad-celin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here