Guddoomiyaha SoDMA oo Daahfuray Xarunta Gargarka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

0

LAASCAANOOD, Soomaaliya – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray dhismaha cusub ee Xarunta Gargarka Degdegga ah iyo Bakhaarka Kaydka Raashinka ee ku yaalla Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

 

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Gargaarka ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdirisaaq Hindi, iyo wasiirrada kale ee maamulka, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa madaxda shirkadda qandaraaska ku guuleysatay dhismaha xarunta.

Xaruntan muhiimka ah ayaa waxaa hirgelinaya Hay’adda SoDMA iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Waqooyi Bari, halka maalgelinta iyo taageerada farsamo ay ka timid Dowladda Shiinaha.

Ujeedada xaruntan ayaa ah in ay noqoto goob muhiim u ah howlaha gurmadka degdegga ah ee looga jawaabayo masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadantinimo.

Waxa kale oo xaruntu yeelan doontaa bakhaar weyn oo lagu kaydiyo raashin iyo agab muhiim u ah wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha guud ahaan deegaanada hoos yimaada maamulka Waqooyi Bari.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa sheegay in xaruntani ay muhiim u tahay xoojinta kaabeyaasha gurmadka masiibooyinka, isagoo uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here