Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo guddoomiyay shir muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa guddoomiyey shir looga hadlaayey horumarinta iyo adkeynta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Qaramada Midoobay iyo SoDMA iyo bogaadinta shaqooyinkii bini’aadannimo ee sida wadajirka ah loo wada qabtay.

 

Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya George Conway, waxaana la isku afgartay in la xoojiyo midaynta xogta arrimaha bini’aadannimada, bilaabidda cilmi baaris ku saleysan wax-ka-beddelka hannaanka gargaar gaarsiinta, sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha iyo in SoDMA goob joog ahaato miisaska lagu gorfeynayo xaladaha bini’aadannimo .

Sidoo kale, waxaa la isku raacay, in hay’adaha SoDMA & OACHA ka wada hadlaan isku-duwidda iyo nidaaminta kooxaha ay wada shaqeyntoodu muhiimka tahay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here