Guddoomiyaha SoDMA oo heshiis la saxiixday Hay’adda AMUCUBO

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA waxa uu heshiis is afgarad ah kula saxiixday guddoomiyaha Hay’adda Daryeelka Hooyada iyo dhallaanka (AMUCUBO) Md. Cabdullaahi Afrax.

 

U jeedka heshiiskaan ayaa ah in labada hay’adood iska kaashadaan sidii ay ugu wada-shaqeyn la hayeen u gargaaridda bulshada Soomaaliyeed, in ay ka saacido ka SoDMA ahaan helista agabka cafimaad ee gurmadka deg-degga ah iyo sidii loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed madaama ay hay’adaan si gaar ah uga shaqeeyso arrimaha cafimaadka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa u mahad-celiyay Hay’adda AMUCUBO, isagoo xusay in agabyada ay soo garsiiyeeyn iyo kuwa ay soo wadaan ay ugu shaqeeynayaan shacabka Soomaaliyeed, ayna ka shaqeeyn doonaan in qalabyada gurmadka deg-degga ah la gaarsiiyo degaannada fogfog ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here