MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta heshiis is afgarad ah waxa uu xarunta dhexe ee SoDMA kula saxiixday Hay’adda Bisha Cas ee dalka Qatar, taas oo heshiiskaan u saxiixay wakiilkeeda Soomaaliya Md. Axmed Aadam Hamid.
Heshiiskaan ayaa ka kooban in dadka Soomaaliyeed laga kaalmeeyo dhibaatada fatahaadaha, hagaajinta iyo dhisidda biya xireenada, dhiirigalinta abuurka beeraleyda, sidoo kale labada dhinac ayaa ku ballamay in la iskala shaqeeyo caafimaadka degdegga ah oo la furo Xarumo caafimaad , in la tayactiro ceelasha biyaha ee halaabay ee degmooyinka qaar, iyo kor u qaadida Aqoonta dadka caafimaadka ka shaqeeya ee xirfadleeyda ah.
Hay’adda SoDMA ayaa hoggaamin doonta heshiiskan, iyada oo hoos u daadajin doonta gaarsiina doonta Wasaaradaha gargaarka ee heer maamul Goboleed, waxaana si gaar ah heshiiskaan looga fulin doonaa deegaannada maamul goboleedyadii sameenta uga soo gaartay daadadkii El-Niño.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-