Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay munaasabad ka dhacday Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Muqdisho uga qaybgalay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee Bani’aadannimada oo la xuso sanad walba 19-ka Agoosto, waxaana munaasabadaan lagu muujiyaa dadaalka iyo naf-hurnimada samafalayaasha.

 

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiiboyinka Maxamuud Macalin ayaa xusay muhiimadda ay maalintaan u leedahay adduunka, dalka iyo Hay’adda SoDMA, isagoo tilmaamay sida ay muhiim u tahay xusuusta shaqaalaha samafalka ee ku waxyeelloobay caawinta dadka kale.

Xuskaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay hay’addaha kala duwan ee ka shaqeeya Arrimaha Bini’aadanimada dalka, daladda NGO-da Soomaaliyeed (Somali NGO Consortium) ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, George Conway iyo madaxa xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here