MUQDISHO (SMN) – Gudoomiyaha Hayadda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed: Maxamud Macallin Cabullaahi iyo Madaxa isku duwida Howlaha Beni’aadanimada ee UN-ka ahna ku xigeenka SRSG: George Conway ayaa shalay oo ay taariikhdu aheyd 31/10/2024 shirkoodii bilaha ahaay ku yeeshay Xafiiska SRSG.
Labada mas’uul waxey si mug leh uga wada hadleen qodoba dhowr ah oo isugu jira sidi loo fulin lahaa mashaariic beni’aadanimo iyo kuwa horumarineed, waxaana laga xusi karaa:
(1) In si wada jira looga fuliyo mashaariicdan qaar ka mida Goobihi ay wax yeeleeyen Daadadki Saanadki hore 2023 ka dhacay Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo & Hir-Shabeele,
(2) Sidoo kale, waxaa labada mas’uul ay hoosta kawada xariiqeen in si wada jira loo abuuro hannaan leesku waafaji karo dhaqaalaha ay iska soo ururiyaan Bulshasda Soomaaliyed iyo kan aduunyadu ugu deeqo goobaha masiibadu ku habsatay,
(3) In si wada jira loogu diyaar garoobo ka hortaga iyo ka jawaabista Abaar lasaadaalinayo iney ku dhufato qaybo dalkeena ka mida, iyo (4) In sare loo qaado tayada wada shaqeynta ee ka dhexeysa labada xafiis ee SoDMA and DSRSG Office.
Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha wuxuu uga mahad celiyey DSRSG sida hagar la’aanta ah ee uu xafiiskiisu ula shaqeeyo Hay’adda SoDMA.