Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay safiirka Qatar + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Dr Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi.

 

Kulankaan ayaa looga hadlay waxyaabaha ka fulay mashariicdii ay Dowladda Qatar hay’adda u ballanqaadday, dhameestirka waxa ka dhiman, sidoo kale Safiirka ayaa Guddoomiyaha ku wargeliyey in ka dowlad ahaan hay’adda ay la fulin donaan mashaariic cusub oo hor leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin u adkaysiga aafooyinka, soo kabashada iyo xalalka waara.

Mashaariicdaan ayaa hay’adda SoDMA waxa ay ka saacidi doonaaan helista Gadiidka gurmadka deg-degga ah, diyaarinta goobaha biyo keydinta, qodista ceelal biyoodyo iyo in gargaar la gaarsiiyo barakacyaasha dib u dajina loogu loo sameeyo goobihii ay ka yimaadeen.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar garab istaaggeeda walaalnimo, waxaana intaas kadib kormeer ku tageen xarunta qaran ee ka digista halis-wadareedka hay’adda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here