Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay wasiirada gargaarka maamullada dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xalay Muqdisho kulan sagootin iyo mahad-celin ah ugu sameeyay Wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada Dalka, iyo Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo, oo uu wehliyo Agaasimaha Gargaarka Gobalka Banaadir oo shalay Muqdisho uga qeybgalay Shirkii Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya ee ay soo qaban-qaabisay Hay’adda SoDMA.

 

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan iyo masuuliyiin kale oo SoDMA ka tirsan, waxaana guddoomiyaha hay’adda SoDMA, Wasiirrada uga mahadceliyay ka so qeybgalka shirkaa, waxaana lagu ballamay in shaqada bulshada loo hayo la dardargaliyo si gaar ah qodobbada shirkii shalay ka soo baxay.

Dhanka kale, wasiirrada gargaarka Dowlad goboleedyada ayaa hay’adda iyo hoggaankeeda uga mahad-celiyay shaqada adag ay bulshada u hayaan iyo xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here