MUQDISHO [SMN] – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya, Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga dalka Russia, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ilaalada Madaniga, Xaaladaha Deg-degga ah, iyo Arrimaha la Tacaalidda Musiibooyinka ee dowladda Russia, Dr. Kurynin Roman Viktorovich.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii ay u dhisi lahaayeen wadashaqeyn dhow oo ka dhexeysa Hay’adda SoDMA iyo dowladda Russia, si loo xoojiyo awoodda iyo aqoonta maamulka musiibooyinka. Waxa sidoo kale la isla gartay in si joogto ah loo bixiyo tababarro iyo qalabeyn si loo hagaajiyo ka hortagga iyo ka jawaabista musiibooyinka.
Wasiir Roman Viktorovich ayaa ballan-qaaday inuu arrintan u soo gudbin doono madaxda ugu sarreysa ee Russia, si gargaar deg-deg ah loo soo diro Soomaaliya, iyadoo loo tixgelinayo in saameynta abaaraha hadda jirta aysan gaari doonin heer aan wax laga qaban karin.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si weyn uga mahad-celiyay taageerada muddo dheer ah ee Russia, isagoo xusay muhiimadda xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Muqdisho iyo Moscow.