MUQDISHO (SMN) – Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Md. Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga Md. Shariif iyo madaxa jaamacadda Cilmi baarista ee ku dhextaalla isbitalka Recep Tayyip Erdogan.
Kulankaan ayaa ahaa mid hay’adda Bisha Cas ay kaga jawaabtay codsi Hay’adda SoDMA ay ku dalbaneysay in gargaarka deg degga ah la baro shaqaalaha SoDMA gaar ahaan shaqaalaha Xarunta gurmadka deg degga ah ee NEOC.
Madaxa hay’adda Bisha Cas ee turkiga ayaa sheegay iney diyaar u yihiin in tababar la siiyo shaqaalaha SoDMA tababarkaas oo lagu qaban doono Xarunta Jaamacadda ee ku dhextaala isbitaal Digfeer.
Sidoo kale Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin in dalka ay keenan gargaar bini’aadanimo kaas oo loogu talo galay In wax looga qabto musiibooyinkii ka dhashay fatahaadaha dalka.