Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Madaxda ugu sarreysa Ee Maamulka Waqooyi Bari

0

Laascaanood – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo maanta booqasho ku tagay magaalada Laascaanood.

 

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Gargaarka ee Maamulka Waqooyi Bari, Cabdirisaaq Hindi, waxaana diiradda la saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta ku aaddan arrimaha bini’aadantinimada, gargaarka degdegga ah iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Firdhiye ayaa si diirran u soo dhoweeyay weftiga SoDMA, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimada ay leedahay in si dhow loola shaqeeyo hay’adaha dowladda dhexe si kor loogu qaado adeegyada ay bulshada u baahan tahay.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa booqday hoyga Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jabriil.

Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray sii xoojinta iskaashiga labada dhinac ee la xiriira gurmadka degdegga ah iyo adeegyada bulshada.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu dhiso hannaan wax ku ool ah oo lagu wajahayo xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jira gobolka.

May be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and suitMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 7 people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here