Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay qaar kamid ah safiirada Somalia ee caalamka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku soo dhaweeyay Safiirrada Soomaaliya u joogo qaar kamid ah dalalka caalamka, si gaar ah Turkiga, Fatxudiin Cali Maxamed, Libiya, Cabdi Aadan Cabdi, Ciraaq Ridwaan Xirsi Maxamed iyo Jarmalka, Cabdicasiis Maxamuud Maxamed Fara-badane.

 

Guddoomiye Maxamuud ayaa danjirayaasha uga warbixiyey xaaladda bini’aadannimo ee dalka, waxyaabaha u qabsoomay hay’adda, in dhibaatooyinkii ka dhashay isbeddelka cimilada ay sababeen barakac iyo qasaaro naafeed, Isagoo sidoo kale ka codsaday in ay xogahaan la wadagaan waddamada ay Safiirrada ka yihiin iyo in dowladahaas hay’adda ka cawiyaan xasillinta, soo kabashada iyo dib u dajinta shacabkii ka soo barakacay degaannadooda.

Dhinaca kale Safiirradaan ayaa hay’adda SoDMA ku ammaanay shaqada adag ee dalka iyo dadka u hayso, waxqabadka muuqda ee hirgalay muddada kooban iyo in ay farrimahaan gaarsiin donaan Dowladaha dalalka ay Safiirrada ka yihiin iyo hay’addaha ka howlgala.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here