MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) oo ay hoggaaminaysay madaxa hay’adda ee Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan-Jones.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay howsha ka hortagga leexsashada gargaarka, arrimaha u adkaysiga aafooyinka, Xasilinta deegannada la xoreyay iyo arrimaha la xariira abaaraha soo noqnoqday.
Guddomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa aad uga mahadceliyay Hay’adda USAID hawlaha gargaar iyo horumarineed ay ka waddo dalka, isagoo ballanqaaday dhankiisa in la sii xoojin doono ka mira dhalinta qodobbadii laga wada hadlay.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-