Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay wafdi ka socday Hay’adda WFP + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda kulan kula qaatay madaxa Hay’adda Cuntada Adduunka ee Soomaaliya (WFP) Mr Elkhadir Daloum.

 

Kulanka ayaa looga hadlay sii adkeynta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada hay’adood, hormarinta nidaamyada, u diyaar garoowga iyo ka hartagga khasaare xooggan oo ka dhasha abaaraha laga baqayo ee la-Nina.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa bogaadiyay xiriirka dhow ee qotada dheer ee ka dhexeeya labada hay’addood ee SoDMA iyo WFP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here