Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay xubno ka socday xafiiska ra’iisul wasaaraha + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiiboyinka qaranka SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Abdulle oo wehlinayo Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa Xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula qaatay Ku xigeenka Xoghayaha xaafiiska RW Soomaaliya Cabdirisaaq Cali Ibraahim iyo madaxa Social pillar ka ee qorshaha isbadalka qaran “National Transformation Plan” oo maanta booqasho ku yimid hay’adda SoDMA.

 

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha isbadalka qaranka oo uu daadihinayo xaafiska RW iyo doorka SoDMA ku leedahay si gaar ah Yaraynta Khatarta Musiibada ee qorshaha isbadalka qaran NTP.

Sidoo kale waxaa la’isla soo qaaday sida hay’adda SoDMA u qaadan laheed doorkeed muhiim ka ah, madaxda ka socotay xaafiiska RW ayaa warbixin ka siiyay madaxda hay’adda maaraynta musiibooyinka Qorshaha isbadalka qaranka kaasi oo looguurayo marka uu dhamaado qorshihii hormarinta qaranka 9aad.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here