MUQDISHO — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda, kaas oo lagu falanqeeyay xaaladda abaarta baahsan ee ka jirta dalka iyo doorka warbaahinta ee wacyigelinta bulshada.
Ka qeybgalayaasha shirka ayaa isku raacay in si buuxda looga wada shaqeeyo ka hortagga iyo wax-ka-qabashada abaarta, isla markaana warbaahintu qaadato door muuqda oo ku aaddan gaarsiinta fariimaha saxda ah iyo dhiirrigelinta gurmadka loo fidinayo dadka nugul ee ku nool meelaha ugu daran dalka.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad abaareed oo aad u daran, taasoo si weyn u saameysay gobollada dalka, gaar ahaan bulshada ku tiirsan xoolaha iyo beeraha. Abaartan ayaa sababtay biyo la’aan baahsan, hoos u dhac ku yimid wax-soo-saarka beeraha, iyo dhibaato soo wajahday xoolo-dhaqatada.
Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sidoo kale xusay in hoos u dhac ku yimid deeqihii gargaarka ee beesha caalamka, taasoo caqabad ku noqotay dadaallada gurmadka iyo samatabbixinta. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo isku-duubnida iyo isku-tashiga bulshada si looga hortago in xaaladdu isu beddesho masiibo bani’aadamnimo oo baahsan.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa ugu baaqay warbaahinta qaranka iyo tan gaarka loo leeyahay inay qaataan kaalintooda wacyigelineed, isla markaana mideeyaan fariimaha rasmiga ah ee ku aaddan ka hortagga iyo ka jawaabista abaarta, si bulshada loo gaarsiiyo xog sax ah oo mideysan.




