Guddoomiyaha SoDMA oo soo dhaweeyay 5 hay’adood oo Turki ah

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay wafdi ka socday hay’adaha Turkiga ee AFAD, KIZILAY, TIKA, IHH iyo DIYANET oo uu hoggaaminayay Md. Kubilay Ozyurt oo ah Madaxa Isgaarsiinta AFAD.

 

Guddoomiyaha ayaa waftiga ku soo wareejiyay xafiisyada xarunta iyo qaar ka mid ah bakhaarrada lagu keydiyo raashinka, ka hor inta aan waftiga loo galbin Xarunta Howl-gallada ee NEOC, halkaasoo uu ka dhacay kulan diiradda lagu saaray warbixinta guud ee Hay’adda, xoojinta ka jawaabidda xaaladda deg-degga ah, taageerada lama-huraanka ah iyo sare u qaadista tayada, karaanka iyo aqoonta howl-wadeennada SoDMA.

Gudoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin oo si weyn ugu mahad-celiyay booqashada ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada Dowladda iyo Hay’adaha Turkiga ee ku aaddan gargaarka deg-degga ah, sida; bixinta raashinka, agabyada laga sameeyo guryaha, taageerada caafimaadka, tababarrada lagu dhisayo kartida shaqaalaha, agabka kor loogu qaadayo awoodaha hawlgelinta iyo guud ahaan ka dhabeynta hindisayaasha wadajirka ah ee loogu tala galay dadka nugul.

Md. Kubilay Ozyurt oo dhankiisa ka mahad-celiyay soo dhaweynta ayaa xusay xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee Turkiga iyo Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday in AFAD oo masuul ka ah arrimaha Maareynta Musiibooyinka ee dalkaas iyo hay’adaha kalaba sii xoojin doonaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin SoDMA.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here