Jabuuti – Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), kaddib Shirweynaha Guud ee doorashada CECAFA oo ka dhacay dalka Jabuuti.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax iyo wakiillo ka kala socday FIFA, CAF iyo CECAFA, kuwaas oo goob joog ka ahaa doorashada hoggaanka cusub ee ururka.
Doorashada Cali Shiine ayaa muujinaysa kalsoonida ay xiriirrada xubnaha ka ah CECAFA ku qabaan hoggaankiisa, kartidiisa iyo doorka firfircoon ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ku leeyahay horumarinta kubadda cagta gobolka.
Xilka Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, oo uu hayn doono afar sano, ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah ururka, horumarinta tartamada gobolka, kor u qaadista tababarrada, iyo hagaajinta nidaamka maamulka kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.






