Aadan Madoobe oo loo gudbiyay warbixin ku saabsan xaaladda xabsiga dhexe

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

 

Ugu horeyn kulanka Guddiga ayaa warbixin looga dhageystay guddi gaar ah oo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u xilsaaray kasoo talo bixinta hay’adaha madaxa banaan oo hore Xildhibaannada Golaha Shacabka uga doodeen kulan weynaha Golaha waxaana Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu xubnaha Guddiga Joogtada ah la wadaagay warbixin dhowr bog ka kooban oo ku saabsan doodihii iyo aragtiyadii xildhibaanadda iyo sidoo kale talo soo jeedinta guddiga.

Sidoo kale guddiga gaarka ah ee arrimaha xabsiyada ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa uu la wadaagay faahfaahinta warbixinta xaaladda xabsiyada dalka, marxaladda ay ku suganyiyiin maxaabiista, baahiyaha xabsiyada ka jira, mudaddii ay shaqeynayeen dhinacyadii ay la kulmeen, booqashooyin ay xabsiyada ku tageen iyo waxyaabihii kala kulmeen.

Dhinaca kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday Ajandeynta kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda, waxaana warbixino looga dhageystay guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah guddiyada Golaha, xubnaha Guddiga Joogtada ayaana ansixiyey fadhiyada Golaha ee todobaadka soo socda.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay xubnaha Guddiga Joogtada iyo sidoo kale guddiyada gaarka ah ee warbixinada kasoo diyaariyay arrimaha xabsiyada iyo hay’adaha madaxa banaan, wuxuuna sheegay in warbixinada ay soo gudbiyeen la Ajendayn doono si ajendayaasha kulamada guud ee golaha loogu daro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here