MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Saalax Almuwallad.
Safiirka ayaa Guddoomiyaha ugu tegay salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa iyo sida hufnaanta laheyd ee ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare iyo tii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.
Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka Labada Dal Soomaaliya iyo Sacuudiga ee walaalaha ah.