Guddoomiye Cabdi Xaashi oo war ka soo saaray qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta ka hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay gudaha xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh.

 

Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday in ninka weerarka geystay la geeyay xerada, taasina ay tahay arrin nasiib xumo ah oo mudan in wax la iska weydiiyo.

“Waa nasiib darro in qof watay walxaha qarxa uu gudaha u galo Xerada Kuliyada Jaalle Siyaad” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka war sugayaan baaritaanka socda ee ay waddo dowladda Soomaaliya, maadaama saraakiil ciidan loo soo xiray dhacdadaasi.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here