Guddoomiye Madaale oo booqday dugsi ay wax ku bartaan 900 oo arday ah

0

MUQDISHO (SMN) – : Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Dugsiga Turkish Maarif (Ex- School-kii hore ee Farsamada Gacanta) ee Degmada Waabari, kaasi oo ay wax ku bartaan in ku dhow 900 oo arday ah.

 

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u kormeeray qeybaha uu ka booban yahay Dugsiga gaar ahaan Fasalada ay ardayda wax ku bartaan, qeybta Sheybaarka, qeybta Maktabada Buugaagta iyo qeybta Cuntada, iyada oo hey’adda Turkish Maarif ay quudin u sameyso si maalinle ah 3,495 qafood oo isugu jirta Arday, Agoon iyo qaar kamid ah qoysaska Barakacayaasha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Maamulka hey’adda Turkish Maarif kula dardaarmay in ay joogteeyaan fursadaha waxbarasho ee loo sameynayo caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qoysaska danta yar isaga oo sidoo kale uga mahadceliyay doorkooda safamalka ah oo ay ka wadaan caasimadda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here