Madaale oo sheegay in Al-Shabaab loo fududeeyo qaraxyada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlayay xaaladda ammaan ee caasimadda dalka ayaa sheegay in Al-Shabaab loo fududeeyo weerarada qaraxyada ah.

 

Madaale ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan shaqsiyaad gacan saar la leh Al-Shabaab iyo sidoo kale dowlado waa weyn oo taageera, sida uu hadalk u dhigay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in reer Muqdisho looga baahan yahay inay garab istaagaan ciidamada ammaanka, si looga hortago weerarada Al-Shabaab iyo falalka ammaan darri.

Hadalkan ayaa guddoomiyaha gobolka waxa uu ka sheegay dibad-bax shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu taageerayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here