Guddoomiye Yabooh oo kormeer ku tegay xabsiga dhexe ee Xamar + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gpbolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha guud ee maamulka gpbolka Banaadir mudane Feysal Caraale Afrax ayaa maanta kormeeray xabsiga dhaxe ee Xamar.

 

Ujeedka booqashadan ayaa aheyd mid ay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ugu kuurgalayeen xaalada dhabta ah ee ka jirta Xabsiga dhaxe iyo sidii ay ugu jawaabi lahaayeen baahiya kala duwan ee taagan.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu ka jawaabi doono baahiyaha kajira Xabsiga maadaama ay ku xiran yihiin in ku dhow laba kun oo Maxaabiis ah.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here